Nabadoon Lagu Dilay Garowe & Lamaha Amaanka Oo Wada baaritaan * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Nabadoon Lagu Dilay Garowe & Lamaha Amaanka Oo Wada baaritaan

Garowe – Mareeg.com: Nin nabadoon ah oo lagu magacaabi jiray Maxamuud Maxamed Faarax (Xamari) ayaa xalay lagu dilay magaalada Garowe ee xarrunta maamulka Puntland, kadib markii uu kazoo baxay masjid uu ku dukaday salaadda maqrib.

Raga dilay Nabadoonka oo lagu sheegay 3 ayaa rasaas la dhacay, waxaana ay ka baxsadeen goobta ay dilka ka geysteen iyadoo aysan jirin cid dabagashay ragaasi.

Wararka ayaa intaasi waxa ay ku darayaan in Nabadoonka la dilay uu kamid ahaa ergadii soo xushay Golaha Wakiilada Maamulka Puntland ee hada shaqeeya.

Ma cadda ilaa iyo iminka cidda ay ka tirsan yihiin ragga dilka geystay, sidoo kalana waxaan jirin wax war ah oo ka soo baxay dhinaca Saraakiisha Booliska ee Puntland.

Ciidanka amaanka ayaa baaritaano ka wada halka lagu diley odayga waxaa meydkiisa la geeyey Isbitaalka, ma jirto cid weli loo soo qabtey.

Lama garanayo ilaa iminka cidda kadanbeysey dilkiisa iyo sababta ay u dileen, waxaana wararka qaar sheegayaan in ay u badan tahay arrimo aano iyo aarsi lugta ku haya in ay tahay.

Dilkaan ayaa noqonaya kii ugu horeeyey ee ka dhaca magaalada Garowe tan iyo markii madaxweynaha maamulkaas loo doortay C/weli MAxamed Cali Gaas 8-dii bishaan Janaayo 2014.

Mareeg.com

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!