Nabadoon Caan ahaa oo lagu toogtey Muqdisho(Akhriso Magaca)

Read Time:57 Second

Wararka laga helayo Magaalada muqdisho ayaa waxaa ay sheegayaan in rag hubeysan ay Xaafada Barwaaqo oo ka tirsan degmada Deeyniile ee Gobolkan Banaadir Nabdoon Caanka ahaa degmadaas,iyaga oo dilka kadib goobta ka baxsadeen.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen in rag hubeysan oo watay Gaari ay ku horjareen Gaari uu watay Ninka la diley oo lagu Magacaabi jirey Nabadoon Cabdirisaaq Yuusuf Siicow (Sheebal)’isla markaana ay dhowr Xabadood ku dhufteen taas oo uu u geeriyoodey.

Sidoo kale Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in xilliga la dilayey Nabadoonka uu marayay agagaarka Wadada Alhudaa ee ka tagta Isgoyska Eveco ee Wadada Warshadaha,isla markaana aada Waaxda Barwaaqo Xaafada Gubta ee degmada Deeyniile,isla markaana uu kasoo baxay Masjid uu kusoo dukadey Salaadii Cishaha.

Dilka kadib Ciidamo ka tirsan kuwa Maamulka degmada Deyniile oo ka howlgalla Waaxda Barwaaqo ayaa tegay goobta uu dilka ka dhacay iyaga oo soo qaadey meydka Ninka la diley iyo gaarigiisa,sidoo kale waxaa ay sameeyeen howlgallo aan wax natiijo ah kasoo bixin.

Ilaa iyo hadda lama oga sababta loo diley iyo dadka ka dambeeya dilkiisa,waxaana weli ka hadlin Maamulka degmada Deeyniile iyo taliska Booliska degmadaas.

About Post Author

Ardaan Yare

Tifatirah wararka ku soo baxa afka soomaaliga
Happy
Happy
0 0 %
Sad
Sad
0 0 %
Excited
Excited
0 0 %
Sleepy
Sleepy
0 0 %
Angry
Angry
0 0 %
Surprise
Surprise
0 0 %