Nabadoon caan ahaa oo lagu dilay Magaalada Muqdisho

Read Time:28 Second

Waxaa Dabley ku hubeysnaa bistoolado ay nabadoon caan ahaa ku dileen Isgooyska Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho.

Nabadoonka oo lagu magacaabi jiray Xuseen Kuulow ayaa ka mid ahaa Ergadii Xildhibaanada Baarlamaanka ku soo doortay Magaalada Jowhar ee Xarunta Gobolka Sh.Dhexe.

Goobjooge ayaa u sheegay Mareeg Online in Nabdoonka marka si dhaawac ahaan loo geeyay Isbitaal, balse goordambe uu geeriyooday.

Ma jirto illaa iyo hadda cid shegatay masuuliyadda dilkaasi, iyadoona kooxdii ka dambeysay ay goobta isaga baxsatay.

Maalmihii dambe ayaa waxaa maagaalada Muqdisho ka dhacayay dilal qorsheysan iyo qaraxyo, kuwaas oo qaarkood ay sheegteen Al Shabaab.

About Post Author

Tuuryare

Abdirisaq is , a somali veteran journalist based in the Somali capital, Mogadishu. Twitter @tuuryare_africa tuuryare10@gmail.com Whatup:00252615990842
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %