Nabadoon caan ahaa oo lagu dilay Duleedka Muqdisho

Koox hubeysan ayaa xalay qof shacab ah waxaa ay ku dileen degmada dharkeynlay ee Gobalka Banaadir.

Dilka ayaa waxaa uu si gaar ah  kaga dhacay xaafada Xaaji Gaabow ee degmada Dharkeynlay ee Magaalada Muqdisho.

Marxuunka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Muxudiin Kilkilow, waxaana la sheegay inuu ahaa Nabadoon si weyn looga yaqaanay degmadaasi.

Kooxda dilka geystay ayaa waxaa ay baxsadeen goobta ay falka ka geysteen, iyadoona askarta ka tirsan booliska soomaaliya ay baaritaano ka sameeyeen xaafada Xaaji Gaabow ee degmada dharkeynlay ee Gobalka Banaadir.

Dilka nabadoonka ayaa waxaa uu ku soo beegmayaa kadib markii shalay koox hubeysan ay muqdisho ku dileen xildhibaan Cismaan Cilmi Boqore  oo ka mid ahaa xildhibaanada Golaha shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya.