
Warar goor dhow na soo gaaray ayaa sheegaya in kooxo bastoolad ku hubeysan ay degmada H/wadaag ku dileen Nabadoon caan ahaa.
Nabadoonka la dilay ayaa lagu magacaabayay Xuseen Geeddi Jimcaale, waxaa la sheegay in sidoo kale uu ganacsade ahaan jiray.
Wararka ayaa sheegaya in kooxaha dilka geystay oo ahaa dhalinyaro ay Nabadoonka ku dileen gurigiisa.
Shacabka Muqdisho ayaa cabsi iyo walaac la soo deristay tan iyo markii uu bilowday Bisha ramadaan, waxaana kordhay dilalka iyo weerarada.
Tirada dadka lagu dilay Muqdisho todobaadyadii u dambeeyay ayaa si sax loo heyn, hase ahaatee warbixino aan la xaqiijin oo laga soo saaray dilalka ay sheegayaan inay ka badan tahay dadka la dilay 21-kii maalmood ee la soo dhaafay illaa todobaatameeyo ruux.