Nabadoon Axmed Diiriye oo caawa ku geeriyooday magaalada Muqdisho * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Nabadoon Axmed Diiriye oo caawa ku geeriyooday magaalada Muqdisho

Allaha u naxariistee waxaa caawa magaalada Muqdisho ku geeriyooday Nabadoon Axmed Diiriye Cali oo ka mid ahaa nabadoonada sida weyn looga yaqaano Gobolada Koofureed ee Soomaaliya.

Nabadoonka oo muddooyinkii u dambeeyay xanuunsanaa ayaa caawa ku geeriyooday Isbitaalka Digfeer ee degmada Hodan.

Axmed Diiriye ayaa ahaa Afhayeenka Odayaasha Beelaha Hawiye, waxaa lagu xusuustaa qeybtii uu ka ahaa dhaq dhaqaaqii looga soo horjeeday Ciidamadii Itoobiya soo galay Soomaaliya sanadkii 2006-dii.

Sidoo kale waxaa mar lagu xiray Muqdisho, iyadoo loo sii gudbiyay magaalada Baydhabo oo muddo uu ku xabisnaa saldhig Ciidamada Itoobiya ku lahaayeen Garoonka diyaaradaha Baydhabo.

Waxaa uu ka mid ahaa Odayaashii dhaqanka ee taageerayay dowladdii uu hoggaaminayay Sheekh Shariif ee lagu soo dhisay Jabuuti sanadkii 2009-kii.

Allaha u naxariistee Nabadoon Axmed Diiriye ayaa waxaa lagu wadaa in maalinta berri lagu aaso Muqdisho.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!