Nabad Sugidda oo u dhacday guri ay deganeyd haweeney looga shakiyey fulinta qarixii Hotel Central * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Nabad Sugidda oo u dhacday guri ay deganeyd haweeney looga shakiyey fulinta qarixii Hotel Central

Mareeg.com: Warar horudhac ah oo soo baxay ayaa tilmaamaya in qaraxii shalay ka dhacay Hotel Central ay ay fuliyeen nin naag is qaba.

Sida ay sheegayaan Ilo Xog-gaal ah, ninka ayaa deganaa hotelka, halka la sheegay in haweeneydu ka mid aheyd shaqaalaha hotelka.

Muddo ayey ka shaqeyneysey gabadhu Hotelka ay weerarka ku qaadey waxaana magaceeda lagu sheegay.

Magaca gabadha ayaa lagu sheegay Luul Axmed, halka ninka hotelka looga yaqaanay Ismaaciil Muuse.

Haweeyneda ayaa deganeyd guri dabaq ah oo ku yaalla degmada Shibis ee magaalada Muqdisho, waxaana maanta halkaas u dhacay ciidamada Nabad Sugidda, kuwaasoo guriga kasoo xiray gabar kale, kana soo qaaday qalab aan la ogeyn waxa uu ahaa.

Sababta fududeysay in gaarigaas soo galo hotelka ayaa loo badinayaa iney ku timid aaminaad lagu qabay qof ka mid ah labadaan qof ee la sheegay in midna deganaa hotelka, mid kalana ka shaqeynayey.

Laamahaa Amaanku weli sooma saarin wax war ah oo la xiriira dadkii weerarkaas geystay, hase ahaatee wararka la xiriira in weerarka ay qeyb ku laheyd qof dumar ah ayaa sii xoogeysanaya.

Dadka qaar ayaa aaminsan in haweeyneyda la tilmaamay ay ka mid aheyd shaqaalaha hoteelka, ayna ku dhimatay qaraxa dadka badan laayey.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!