Nabad Sugidda oo sheegtay iney toogatay nin miino ku aasayey Suuqa Xoolaha

Mareeg.com: Ciidamada Nabad Sugidda Soomaaliya ayaa maanta Suuqa Xoolaha ku dilay nin ay sheegeen inuu ka tirsanaa Alshabaab.

Ciidamada Nabad Sugidda ayaa sheegay in ninka ay dileen uu miino ku aasayey waddo muhiim ah oo mart Suuqa Xoolaha, sidaas waxaa laga baahiyey Radio-ga dowladda Soomaaliya.

Sida laga baahiyey warbaahinta dowladda, macluumaad ay heleen ciidamada Nabad Sugidda ayaa suurageliyey in ninkaas miinada aasayey la dilo.

Suuqa Xoolaha ayaa horay ciidamada Nabad Sugiddu ugu dileen nin ay ku sheegeen sarkaal ka tirsan Alshabaab, kadib markii ay howlgal ka sameeyeen agagaarka xaafadda SOS.

Mareeg Media

About A warsame 9751 Articles
Published by A Warsame .He can be reached by news@mareeg.com or Mobile :+447737886245