Nabad Sugidda Dowladda Soomaaliya oo magac u bixisay xarakada Alshabaab

Mareeg.com: Ciidamada Nabad sugidda Soomaaliya, ayaa maanta sheegay iney magac cusub u bixiyeen Alshabaab, sidaas waxaa lagu sheegay war uu baahiyey Radio Muqdisho oo ah Idaacadda Dowladda.

Nabadusgidda Soomaaliya ayaa rabta in hadda kadib Alshabaab loogu yeero magac ah UGUS, oo la sheegay in laga soo gaabiyey Ururka Gumaadka Umadda Soomaaliyeed.

Laanta Nabad-sugidda ayaa sheegtay in wixii maanta ka dambeeya aan Alshabaab loogu reeri karin magacaooda “Alshabaab”. Lama oga in go’aankaan saameyn ku yeelan doono warbaahinta ka shaqeysa dalka.

Alshabaab oo horay u sheegay in magacaooda loo daayo ama loogu yeero “Xarakada Mujaahdiinta Alshabaab” ayaan weli ka jawaabin magaca ay u bixisay dowladda Soomaaliya.

Mareeg Media

About A warsame 9751 Articles
Published by A Warsame .He can be reached by news@mareeg.com or Mobile :+447737886245