Nabad Sugidda Banaadir oo xirtay Idaacad baahisay codka Afhayeenka Alshabaab

Mareeg.com: Ciidamada Nabadsugidda Soomaaliya ayaa xalay albaabada u laabay Radio SIMBA oo ka mid ah FM-yada madaxa banaan ee ka howlgala Muqdisho, kuna taalla Suuqa Bakaaraha.

Maaddaxa barnaamijyada Radio SIMBA, Xasan Maxamed Samatar ayaa xaqiijiyey in xalay abaare 10:00 habeenimo xilli uu socday barnaamijka “Bartilmaameedka SIMBA” aya idaacadda gudaha u galeen ciidamada Nabad Sugidda, islamarkaana xireen 3 weriye, sidoo kalana qaar ka mid ah qalabka Idaacadda qaateen.

Sababta loo xiray Radio SIMBA iyo qaar ka mid ah shaqaalihiisa ayaa lagu sheegay iney sii daayeen codka afhayeenka Alshabaab Sheekh Cali Dheere, kaasoo ka hadlay geerida hogaamiyihii ururkaas.

Weriyaasha la xiray ayuu Xasan Maxamed Samatar ku kala sheegay: Sharmarke Max’uud Xuseen, C/raxmaan Max’ed Colaad, iyo Max’ed Ax’ed Sh. Xuseen (Kinglove).

Xasan ayaa sidoo kale sheegay in ciidamada Nabad sugiddu xarrunta Idaacadda ka qaateen qalab FM, Mixer iyo 1 Computer.

Ciidamada Nabadsugidda gobolka Banaadir ayaa dhawaan warbaahinta Muqdisho ku amray ineysan baahin Karin codadka madaxda Alshabaab.

Mareeg Media

About A warsame 9751 Articles
Published by A Warsame .He can be reached by news@mareeg.com or Mobile :+447737886245