Nabad Sugida Jubbaland oo gacanta ku dhigtay Nin Xirnaa dharka Dumarka iyo arrin xasaasi ah

Ciidanka Hay’adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka Jubbaland ayaa gacanta kusoo dhigay Nin iska soo dhigay Haweney lana baxay magaca Farxiyo Okey.

Ninkan naagta isku ekeysiiyay ayaa waxaa Ciidamada ay ku qabteen gudaha Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose.

Ciidanka Nabad Sugida Jubbaland ayaa waxaa ay sheegeen in Ninkan ay qabteen uu labo habeen seexday guri ku yaalla Xaafad ka tirsan Magaalada Kismaayo oo ay daganaayen Labo Dumar ah,kuwaasi oo u sheegay in ay soo dhuntay,isla markaana ayna garaneyn meel ay tagto ,balse dabagal dheer kaddib waxa gacanta kuso dhigay Ciidanka Nabad Sugida Jubbaland.