MW Farmaajo oo dalab u gudbiyay Xoghayaha Ururka Jaamacadda Carabta * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

MW Farmaajo oo dalab u gudbiyay Xoghayaha Ururka Jaamacadda Carabta

Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa waxa uu Qoraal uu u diray Xoghayaha Guud ee Ururka Jaamacadda Carabta, Axmed Abu Kheyt oo uu kaga codsaday in la kordhiyo taageeradda dhinacyada badan ee Somalia la siiyo.

Xasan Macallim Khaliif oo ah Wasiir-dowlaha Madaxtooyada XFS, ahna Ergayga Khaaska ee Madaxweyne Farmaajo oo shalay la kulmay Axmed Abu Kheyt ayaa u gudbiyey Dhambaal Khaas ah oo uu u soo dhiibay Madaxweyne Farmaajo.

Ilo-wareed rasmi ah oo laga soo xigtay Xoghaynta Guud ee Ururka Jaamacadda Carabta ayaa lagu sheegay in Wasiirka Soomaalida uu bilowgii kulankaasi u gudbiyey Axmed Abu Kheyd dhambaalka iyo salaanta uu Madaxweyne Farmaajo ku bogaadiyey Abu Kheyd iyo doorka Ururka Jaamacadda Carabta ka qaadato Taageeradda dhinacyada badan ee ay la garab taagan yihiin dalka Somalia.

Qoraalka Madaxweyne Farmaajo waxa kale oo uu ku xusay sida uu ugu kalsoon yahay inay sii socon doonaan Taageeradaasi, lana xoojin doono Mustaqbalka dhow.

Fariinta Farmaajo waxaa kaloo lagu bidhaamiyey  inay Somalia haatan galayso Xilli xasaasi ah, loona baahan yahay Taageero dheeraad ah si ay Dowladda u fuliso Hawlaheeda, iyadoo loo baahan yahay in laga taageero Miisaaniyadeeda, baahida Samafal iyo Caafimaad ee Ummadda Soomaaliyeed, oo saamayn ku yeeshay Abaaraha iyo Xanuunka COVID 19 oo Somalia ka dillaacay.

Dhinaca kale, Xoghayaha Guud ee Ururka Jaamacadda Carabta, Axmed Abu Kheyt oo ka hadlay Kulankaasi waxa uu  Salaan Mahadcelin u diray Madaxweyne Farmaajo, wuxuuna mar kale xaqiijiyey in Ururka Jaamacadda Carabta si buuxda uga go’an tahay inay sii wadaan Taageeradda ay siinayaan DFS iyo  inay wax kasta ka taageeraan sidii loo xoojin lahaa Ammaanka, Deganaanshaha, Dib-u-soo-nooleynta Dhaqaalaha Somalia iyo Juhdiga dadaallka Somalia looga cafin lahaa Deymaha ay ku leeyihiin dalalka Carabta iyo kuwa Shisheeyaha.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Mareeg.com somalia, World News and Opinion.