Muxuu yahay Higsiga gobolka Banaadir sanadka 2016? Muungaab ayaa hadlay * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Muxuu yahay Higsiga gobolka Banaadir sanadka 2016? Muungaab ayaa hadlay

Mareeg.com: Gudoomiyaha gobolka Banaadir, Xasan Muungaab ayaa sheegay in Higsiga Gobolka Banaadir ee sanadka 2016 uu yahay inu cadaalad lagu wada noolaado.

Muungaab oo shalay khudbad ka jeediyey shirka looga hadlayo arrimaha Soomaaliya ee ka socda dalka Denmarka ayaa yiri “Hiigsiga Gobolka banaadir ee 2016 waa Muqdisho oo nabad ah, ka caaggan fal argagxiso, soona ceshata bilicdeeda, shacabka Soomaaliyeedna ay ugu wada noolaadaan si siman oo caddaalad ah”.

Shirka ayaa waxa si wada jir ah u shir guddoominayey Madaxweynaha jamhuuriyadda Federelka ee Soomaaliya Xasan Shikh Maxamud iyo Ra’iisul Waaraha Dalka Denmark Helle Thorning-Schmidt.

Guddomiye Muungaab ayaa khudbadiisa uga hadlay howlaha horyaala Gobolka Banadir ee looga baahan yahay si uu u fuliyo waajibaadkiisa, waxaana guddoomiye Muungaab oo hadlaya yiri:-

1) Isbadal ayaan ku sameeyey dhamaan gudoomiyaashii, agaasimayaashu dowlada hoose waxaana u dhiibay rag aqoonyahaniin ah

2) Waxaan ka shaqeeyey is dhex galka bulshada aniga oo u marayey dhanka isboortiga iyo fanka iyo waliba daresiinta

3) Waxaan isku xiray hey’adaha amaanka gobolka Banaadir sida Police-ka iyo nabad sugida Gobolka.

4) Qodobka afaaraad oo ugu muhimsan qudbada waxaa waaye Soomaliya waxay ka koobantahay 18 Gobol, shacabka ku dhaqan Caasimada Soomaaliya waxay Xaq u leeyihiin in ay sameystaan Maamulka Goboleed (State) si aan wax ula qeyb sadaan Bulshada.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More