Muxuu Madaxweynaha Jabuuti ka yiri qarixii ka dhacay Magalada Muqdisho?
War saxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyada Dalka Jabuuti ayaa lagu sheegay in ujeedada weerarkaas ahayd in lagu wiiqo xasilloonida Soomaaliya, xusay in dalkiisu ay ka go’antahay taageeridda Soomaaliya inta ay ka heleyso xaslliini amni.
Waxaa uu sheegay in qaraxyada iyo weerarrada dhimashada badan sababaya ee ka dhacaya Soomaaliya ay tahay in su’aal la iska weydiiyo.,waxaana uu acsi u diray ehelka dadkii ku dhintay weerarkii shalay ka dhacay maagaalada Muqdisho.
Dowladda Jabuuti waxaa ay ka mid tahay Waddamada ay Ciidamada ka joogaan Soomaaliya ee ku jira Howlgalka AMISOM,waxaana mararka qaar Ciidamadaas ay weeraro kala kulmaan Al-Shabaab.
Comments are closed.