Muxuu Keyre kala hadlay wafdiga ka socda Soomaaliland

Read Time:35 Second

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafdigii ka yimid Somaliland ee u yimid taakuleynta walaalahooda ay saameeyeen fatahaadaha Wabiyada.

Wafdiga oo shalay muqdisho yimid ayaa waxaa ay keeneen lacag dhan $600,000 oo lagu gargaarayo dadka fatahaaduhu saameeyeen,taas oo laga soo aruuriyay qaar ka mid ah Shacabka iyo Culimadda degaanada maamulka Somaliland.

Xubnaha Guddiga ayaa waxaa ay ka mahad celiyeen sida wanaagsan ee loogu soo dhaweeyey Magaalada muqdisho, iyaga oo sheegay inay mar waba diyaar u yihiin garab istaaga dadka ay saameeyeen fatahadaha Wabiya.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa uga mahad celiyey gurmadka ay soo gaarsiiyeen Walaalahooda Soomaaliyeed ee dhibaatada kasoo gaartay fatahadaha kuna amaanay doorka ay qaateen.

About Post Author

Ardaan Yare

Tifatirah wararka ku soo baxa afka soomaaliga
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %
Instagram did not return a 200.