Muxuu ka leeyahay maqaamka Muqdisho buugii qabyo qoraalka assal ahaan ka dhashay heshiiskii dagaal oogayaashii soomaaliya

Qore Ibrahim Gadweyne–)Mareeg.com-Marka aad fiiriso maahmaahyada soomaalida waxaad arkaysaa erayo aad la yaabto oo ay dadka tixraax usoo qaataan, maahmahaan ma ahan kuwa ka tarjumaayo cadaalad ama hufnaan shaqsiyeed dadkana isma weydiiyaan sababta aanba dhib loogu arkin.  Sida caadiga ah waxaa jira shaqsiyaad bulshada ay aaminaan una soo doontaan cadaalad.  Dadkaas waxaa ka mid ah culumada oo maahmaahyada lagu cabiro shaqsiyadood iyo cadaalad falidooda waxaa ka mid “Shiiq tolkiis kama jano tago iyo lajiifyaana banaan” erayadaan waxay ku Tusinayaan in shiiqa uu lasafan yahay tolkiis, marka loogu yimaado inuu xukun bixiyana waxuu bixinaa xukun laba afla ah oo haddii xukunka mid isaga saameynayo uu yahay, wuxuu ridaa xukun jilicsan haddii mid isaga saameyneynin uu yahay waxuu ridaa mid adag. Halkaas waxaa ku dhamaaday is aaminid iyo xukun cadaalad ah.  dhanka kale xaga ganacsiga iyo wadashaqeynta waxaa kasoo aroortay maahmaahda ah “nin maqan saciis dibi dhal” tani waxay ku tusinee haddi qofka wax lagu amaaneysto inuusan amaanadaas sida ay ahayd u fulin, oo saciis dibi dhal macnaheeda waa waxaad u dhiibatay markey ugu fiicantahay lafahi aad isku darsateen ayaad helaysaa inkastoo inta badan ay dhumaan waxii qof Soomali ah aad u dhiibato, meesha waxaa ku dhumay hufnaan shaqsi in ay ku yartahay dalkaan.
Mudane Jawaari wuxuu noo sheegay in maqaamka Banaadir ay go’aan ka gaarayaan labada gole, iyagoo tixraacaya waxa ku qoran buugu heshiiski dagaal oogaraasha oo aanan fahamsaneen cida ucu jirtay reer Banaadir oo wax ka soo o’aamisey Iyo cida ay kala tashadeen intaba.
Qodobka 56 (oo u eg wax English laga soo tarjumay, taas oo aan u malaynayo in NGO soo qorey) waxuu u qoran yahay sidan:
“(1) Heerarka kala duwen ee Xukuumaduhu marka ay dhexdooda ka macaamilayaan Ivo marka ay ku gudo-jiraan adeegisga awoodda sharci-dejinta iyo awoodaha kale, was in ay ilaaliyaan mabaadi’ida federaalnimada; kuwaas oo ah:
a) Heerarka xukuumada tu’ walba oo ka mid ahi in ay haysato taageerada dadweynaha.
b) Awoodda oo la siiyo heerka xukuumadeed ee si wax ku ool ah u gudan kara una isticmaali kara awooddaas:
c) Xiriir iskaashi iyo istaageerid labo-dhinacle ah oo u dhexeeya dawlad-goboleedyada dhexdooda iyo dowlad-goboleedyada iyo dawladda federaaliga ah, si uu u jiro dareen midnimo qaran.
d) Qayb kasta oo jamhuuriyadda ka tirsani in ay hesho isla adeegyada ay kuwa kalena helaan iyo, sidoo kale, waxqabad xukuumadeed oo waxtar leh.
e) Kheyraadka dalka oo si cadaalad ah loo qeybsado.
f) Daqli-ururin oo laga sameeyo heerka ugu wax-ku-oolsan, iyo
g) Khilaafaadka oo wadahadal iyo heshiis-raadin lagu xaliyo”.
Markaad dheehato qodobkaan waxaa kuu cad in dadka qorey ay u xaglinayeen degaano gaar ah, dib u dheeho marka Thabid uu ku dhaqaaqey gudi degaaneed durbadiiba Jawaari waxuu qabtay shir jaraa’id oo odhahaaya lama samaynkaro maqaamka Banaadir waxayna maqaamkiis u taalaa in ay go’aan ka gaaraan labada gole.. Dhiinaca kale fiiri farqada qodobka g ee qodobka 56 oo leh marka khilaaf yimaado waa in lagu dhameeyaa wadahal iyo heshiis, jawaari waxuuna lee yahay tani Banaadir ma quseyso, qodobkaan oo dhan Banaadir shaqo kuma laha, hadaba maxaa lasoo jeediyay?
Cutubka 7aad qodokiisa 67aad – Magaala-madaxda Qaranka
“Fiiro: Maqaamlka Muqdisho (Xamar), oo ah Magaala-madaxda jamhuuriyada waxaa loo habeyn karaa Seddexda ha bee soo socoda mid kood, hase yeeshee go’aanka kama dambeysta ah waxaa lagu saleyn doonaa talooyinka dadweynuhu ka dhiibtaan Dastuurka qabyada ah xiliga latashiga dadka
XULUSHADA 2aad (Caasimad ku-dhextaal Dawlad-Goboleed)
1) Caasimada magaala madaxda federaalku waxay ahaanaysaa magaalo ku dhextaal dowlad goboleed
2) …iyadoo la tashatay Dowlada Federaalka waa in ay soosaarto sharci gaar ah oo qeexaya maqaamka Caasimada Federaalka
3) Goloha maamul ee caasimada federalka iyo xukuumada federaalku waa in ay ilaaliyaan mabaadi’da xiriir iskaashiyeedka ee uu dhigayo dastuurku, waana in ay si gaar ah uga heshiiyaan arimaha canshuurta, xeerka kale ee nidaaminaya dhulalka iyo dhismooyinka ay leedahay ama ay degentahay xukuumada federaalku eek u dhextaal magaala madaxda.
XULASHADA 2AAD – (DEGAMADA CAASIMADA FEDERAALKA)
1) Muqdisho waxay noqoneysaa degmo magaalo madax
2) Kama mid noqon karto qayb ka mid ah dowlad goboleed
3) Xukuumada federaalku waa in ay soo saarto sharci gaar ah oo nidaamiya..
4) Dadka degan Muqdisho goloha shacab ay wakiilo ku yeelanaayaan
5) Kuma yeelanayaaan wakiilo aqalka maamul-goboleedyada
6) Xukuumada federaalka ayaa maamuleysaa Muqdisho una dejinayso sharuuc
7) Reer Muqdishu waa in ay dhowraan mabaadi’da xiriirka iskaashi eek u xusan dastuurkaan
XULASHADA 3aad (Caasimad ah Dowlad-Goboleed)
1) Magaalda madaxda federaalka waxay noqonaysaa dowlad goboleed;
2) ……kuma biiri karto gobol kale, mana noqon karto qayb dowlad goboleed kale ku dhul balaarsato.
3) ….magaalo madaxda iyo dowlada federaalka waa in ay si gaar ah ugu heshooyaan aimaha canshuuraha iyo xeerarka kale ee nidaamiya dhulalka iyo dhismooyinka ay leedahay ama ay deggantahay xukuumada federaalka eek u dhexyaal magaala-madaxda”.
Marka aad aqriso dadka diyaariyay heshiiskaan faashilka ah waxaa kuu muuqda in ay si xad dhaaf ah uga soo horjeedaan dadka degan, waxaad arkaysaa, soo jeedin kasta oo ku qoran in ay tahay mid lid ku ah dadka degaanka cadaalad darina ay ka muuqata, waxaa haboon in la fahmo waxa loo kala jaray sedexda gobol ee kala ahaa Shabeelaha hoose, Banaadir iyo shabeelaha dhexe.  Waxaa xitaa aan la ogolayn Banaadir in ay ku darsanto gobol kale, waxaa kale oo si gooni ah loo weerarayaa dadka degan xataa haddii ay noqoto maamul waa inuu noqdaan maamul ka hooseeya maamulada kale. Waxaa lagu soo celceliyay mar walba waa in ay dowlada federaalka iyo Banaadir ka heshiiyaan canshuuraha, oo miyaysan ahaayn cahsuuraha mid isla eg oo soomaaliya oo dhan ka dhexeeya.
Arinta lagu soo celceliyay ee ah dhulalaka, miyaysan dowlada ku lahayn guryo Soomaaliya oo dhan inti lagu mashquuli lahaaay maxaa loogu bixin waayay guryaha federaalka meel kasto ooy ku yaaliin? Waxaa halkaas kaaga cad weerarka cad ee dadka Banaadir degan lagu haayo.
Haddii aan u soo noqdo Hadallki Wasiirki 1aad ee hore mudane Cali Maxamed Geedi oo ahaa yaa badan dadka asal ahaan degan degaanka banaadir iyo dadka kasoo guuray degaano kale ee maal gashtay? Nasiib daro inkastoo uu yahay aqoon yahan haddana waxaad moodaa inuusan fahamsanayn dooda meesha ay ka jirto. Banaadir ma ahan shirkad ganacsi ee lamaal gashto ee waa degaan cid kasto oo degan ay saami kuleedahay. Arinta Banaadir ma ahan mid qabiil ama qalo asal ah iyo qolo maalgeliyayaal ah, qofkastoo degan Banaadir waa reer Banaadir waana degaankiisa, waxa laga hadlaayo waa Banaadir in ay noqotaa qeyb ka mid ah federaalka, cid kastoo deganna ay saamilay tahay isa soo sharaxi karto, hogaan u noqon karto marka waxaan jeclaan leheen mudanaha inuu isa soo saxo haddii uusan ka hadlaynin waxa uu isaga aaminsan yahay oo iminka ku cabiran qabiil, waxaan leenahay Banaadir qof kasto oo degan ayay degaan u tahay inuu maamulana ama laga soo doortana kuma xerna meesha uu qabiil ahaan kasoo jeedo.
Guud ahaan Soomaalida oo dhan waa in ay ka qeybqaataan saxida qaladaadka siyaasiyiin iyo beesha caalamka oo aad mooda inaysan fahamsanayn meesha ay wax ku wadaan, Soomaaliya sida hadda lagu wado waa ceel mugdi ah, waxaana nagawada saran waajib inaan ku hagno jid keeni kara qaranimo, wadatashi iyo midnimo ku dhisan Soomaalinimo.
About A warsame 9751 Articles
Published by A Warsame .He can be reached by news@mareeg.com or Mobile :+447737886245