Mareeg Media
Somalia

Muxuu C/raxmaan C/Shakuur u diiday in uu ka mid noqdo Madasha Xisbiyada?

Inta aan lagu dhawaaqin Madasha Xisbiyada Qaran ee uu guddoomiyaha ka yahay Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa warar soo baxayay waxaa ay sheegayeen in Xisbiyada Midoobaya uu kamid yahay Xisbiga Wadahir,hayeeshee warkaasi uu fashilmay.

Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir C/raxmaan C/shakuur Warsame oo markii ugu horeysay ka hadlay sababta uu ula midoobi waayay Xisbiyadaas ayaa sheegay in ay timid in aragtida xisbigiisu ay aheyd in madashu hoggaan yeelan laakin taasi aysan dhicin.

Waxaa uu sheegay in xisbiyada midoobey aysan aheyn kuwo isku adagti ah laakin ka mideysan arrimaha doorashada,sidaasi dareedna aan loo baahneyn hoggaamiye lana sameeyo xiriiriye.

Hadalka Siyaasiga C/raxmaan Cabdi Shakuur ayaa u muuqda mid uu ku diidan yahay xubnaha qaar ee Madasha Xisbiyada katirsan kuwaas oo ah kuwo horay dalka ugu soo fashilmay,sida Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!