Maxaa ka soo baxay kulankii dhax maray Madaxweyne Cosoble iyo Ugaas Xasan * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Maxaa ka soo baxay kulankii dhax maray Madaxweyne Cosoble iyo Ugaas Xasan

Wararka ka imaanaya magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in maanta kulan albaabada u xirnaayeen magaaladaasi uu ku dhax maray Madaxweynaha Maamulka Hirshabelle iyo Ugaaska Beesha Xawaadle .

Kulanka dhax maray Madaxweynaha Hirshabelle Cali Cabdulaahi Cosoble iyo Ugaas Xasan Ugaas Khaliif ayaa ahaa mid xasaasi ah, waxaana Kulanka goob joog ka ahaa Siyaasiyiin kasoo jeeda Beesha Xawaadle, waxaana looga hadlayay kulanka sidii Ugaaska loogu qancin lahaa in uu taageero maamulka Cusub.

Sida aan Wararka ku heleyno Ugaaska Xasan ayaa ka biyo diiday in uu taageero u muujiyo maamulka Hirshabelle uu Madaxweynaha ka yahay Cali Cosoble ay isku heyb yihiin, waxa uuna Ugaaska u cadeeyay xubnaha uu la kulmay in uusan maamulka taageereyn sidoo kale uusan kasoo horjeesaneyn.

Ugaaska ayaa la sheegay in Madaxweynaha ku wargaliyay in uu ku qiimeenayo wax uu qabto, waxa uuna ka diiday in uu ka qeyb galo Caleemo saarka iyo sidoo kale in Warbaahinta ka cadeeyo aragtidiisa ku aadan maamulkan Hirshabelle.

Madaxweynaha Hirshabeelle Cali C/llaahi Cosoble oo kulanka kadib kaligiis Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Ugaaska ay kulmeyn ayna kawada hadleyn arimo badan, waxa uuna tilmaamay in Ugaaska uu u sheegay in maamulka cusub ku qiimeenayo wax qabad ayna diyara u yihiin in ay wax qabtaan.

Waxa uu meesha ka saaray Madaxweynaha Hirshabelle in kulankooda uu kusoo dhamaaday is afgaran waa, waxa uuna xusay in Maamulka Hirshabelle ay ka muuqdaan xubnihiisa sare dad kasoo jeeda Goolka Hiiraan ayna filayaan in Ugaaska taageero maamulkan.

Sida aan Wararka ku heleyno waxaa la filayaa in mar kale wadahadalo kale ay ka dhacaan magaalada Baladweyne, Ugaas Xasan oo ah Ugaas Mayal adag ayaa wali diidan maamulka Hirshabelle ay taageereen inta badan beelaha dega labada gobol ,lamana oga Ugaaska in kasoo dabci doono go’aankiisa.

Madaxweynaha Maamulka Hirshabelle Cali C/llaahi Cosoble ayaa la filayaa in dhawaan lagu caleemo saaro magaalada Jowhar, waxaana maamulkan dhismihiisa soo dhaweeyay Dowlada Federaalka iyo Beesha Caalamka.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More