Muwaadiniin Kenyan Ah Oo Lagu Afduubay Muqdisho * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Muwaadiniin Kenyan Ah Oo Lagu Afduubay Muqdisho

Muqdisho, Mareeg.com: Labo qof oo u dhashey dalka Kenya isla markaana ahaa Injineero, ayaa lagu afduubtey magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya, goobjoogayaal ayaa sidaa laga soo xogtay.

Injineerada Keynyanka ayaa laga afduubtay fagaaraha Tarabuunka ee degmada Hodon, waxaa Injineeradan Muqdisho geeyey ganacsato Soomaali ah, iyadoo la filayey iney dhisaan kaalin shidaal.

Sida wararku sheegayaa, waxaa labadan Injineer afduubtay rag ku labisan dharka ciidamada dowladda, lamina oga halka lala aaday.

Bilihii lasoo dhaafay ayaa waxaa Muqdisho kusoo badanayey shaqaalaha ajnabiga ah ee ka imaanayey dalalka Afrika iyo Asia, iyadoo horay meel ka baxsan Muqdisho loogu dilay dhaqaatiir reer Suuriya ah.

Sidoo kale, waxaa sanadkii hore ee 2013 Muqdisho loogu dilay gabar macallimad ah oo wax ka dhigeysay mid ka mid ah jaamcadaha Muqdisho, waxaaba isku day afduub ka badbaaday haweeney u dhalatay dalka Sweden, hase ahaatee waxaa la dilay labo Soomaali ah oo la socotay.

Mareeg.com

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More