Muwaadin Soomaali ah oo loo magacaabay ku xigeenka madaxa hayada UNICEF

Mareeg.com: Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, Ban Ki-moon ayaa muwaadin Soomaaliyeed oo lagu magacaabo Cumar Cabdi u magacaabay inuu noqdo ku xigeenka madaxa Sanduuqa Badbaada Caruurta ee UNICEF.

Cumar Cabdi oo heysta dhalashada dalka Canada ayaa horay muddo dheer lasoo shaqeeyey UNISEF, isagoo wakiil uga soo noqday dalal badan.

Mas’uulkan ayaa ka baxay kulliyadii Injineeriyadda ee Jaamacaddii Umadda Soomaaliyeed ee Muqdisho sanad waxbarashadeedkii 1982-1988. Wuxuuna kazoo shaqeeyey hay’addii qaxootiga qaranka Soomaaliya.

Sarkaaln ayaa markii ugu horreysay la shaqo bilaabay Qaramada Midobay sanadkii 1992-kii, isagoo ka shaqeeyey dalka Liberia.

Wuxuu hay’adda UNICEF shaqooyin kala duwan uga soo qabtay dalalka Shiinaha, Pakistan, Mareykanka, qeybo ka mid ah Bariga Dhexe iyo Woqooyiga Afrika.

Mareeg Media

About A warsame 9751 Articles
Published by A Warsame .He can be reached by news@mareeg.com or Mobile :+447737886245