Mareeg Media
Somalia

Muwaadin Somali ah oo lagu dilay Koonfur Afrika

Kooxo Bucad Koonfur Afrikan ah ayaa waxaa magalada Port Elizabeth dalkaasi ku dileen muwaadin Soomaaliyeed oo kamid ahaa dadka Ganacsi ahaan u tegay.

Muwaadinka oo lagu Magacaabi jiray Mahad Badal ayaa Kooxda Bucada ah ay ugu tageen Goobtiisa Ganacsi,iyaga oo halkaasi ku toogtay,kadibna goobta ka baxsaday.

Ciidamada Booliska ee deeganka dilku ka dhacay ayaa baadi goobaya kooxdii dilka gaystay oo la sheegay in ay Caan ka yihiin koonfur Africa.

Sanadkasta marka la gaaro bilaha November iyo December, waxaa kororta dilalka loo gaysto muwadiniinta Soomaaliyeed ee ku ganacsatada tuulooyinka dalka koonfur Afrika,waxaana jirin cid ka hadasha dilalkaas.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!