
By Warsame -November 21, 2017-Guddiga doorashada Somaliland ayaa ku dhowaaqay in Musharaxa xisbiga Kulmiye Muuse Xuseen Cabdi oo loo yaqaan Muuse Biixi uu ku guuleystey doorashadii Somaliland ka dhacday 13 November ee sanadkan 2017.
Xisbiga Kulmiye ayaa Doorashadaasi ka helay codad gaarayay 55.59%, halka Xisbiga Mucaaridka ee Waddani ayaa isna helay codad gaarayay 40.73%. Xisbiga UCID ayaa isagu helay 4.17%.
Taageerayaasha xisbiga Kulmiye ayaa dabaaldeg bilaabay iyadoo laga dareemayo deegaano badan oo ka mid ah Somaliland.
Natiijada doorashadan ayaa waxaa xalay qaadacay musharaxa xisbiga Wadani Cabdiraxmaan Cirro isagoo sheegay in lagu shubtay doorashada. Hase yeeshee waxaa la qorsheynayaa in goordhow ay ka hadlaan mowqifkooda labada musharax ee loogaga guuleystey doorashada si ay u cadeeyaan mowqifkooda rasmiga ah.