Muuse Biixi & Xisbiyada Mucaaradka oo ka shirey khilaafka doorashooyinka

Read Time:36 Second

Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi oo uu wehelinaayo Madaxweyne Ku xigeenka Somaliland, Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa kulankii labaad maanta madaxtooyada Soomaaliland ee Hargeysa kulan  kula qaatay Guddoomiyeyaasha xisbiyada mucaaradka ee UCID iyo Waddani, Eng Faysal Cali Xuseen (Faysal Cali Waraabe) iyo Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro).

Markii kulankaasi uu soo dhamaaday ayaa  wax warbaahinta la hadlay madaxweyne ku xigeenka Somaliland iyo gudoomiyaha xisbiga mucaaridka ee Waddani waxaana ay sheegeen in la isla qaatay inta ka horaysa 10/01/2020 in laga shaqeeyo oo la gudo galo qodobadii hore loogu heshiiyey loona dhamaystiri lahaa si looga gudbo caqabadihii ku gadaamnaa doorashooyinka.

Maalmihii la soo dhaafay waxaa taagnaa khilaaf ka dhashay doorashooyinka Soomaaliland iyo muddo kordhin loo sameeyey Golaha Guurtida iyo Wakiilada Soomaaliland.

About Post Author

Ardaan Yare

Tifatirah wararka ku soo baxa afka soomaaliga
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %