
Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi ayaa loo doortay inuu noqdo Musharaxa Madaxweyne ee xisbigiis, kadib doorashadii Golaha Dhexe ee Xisbiga Kulmiye oo maanta ka dhacday magaalada Hargeysa.
Biixi ayaa helay 344 cod, iyadoo goobta ay ku sugnaayeen 365 xubin oo ka tirsan Golaha Dhexe ee Xisbiga Kulmiye.
Ma jirin cid la tartantay Muuse Biixi, waxaana qaadacay musharaxiinta kale ee horay uga dhawaaqay inay musharax Xisbiga Kulmiye yihiin, kuwaasoo lala ahaa C/casiis Samaale iyo Maxamed Biixi Yoonis.
Madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo oo goobta joogay ayaa ku dhawaaqay in uusan u tartameyn Madaxtinimada Somaliland, isla markaana uu ka tanaasulay musharaxnimada Xisbiga Kulmiye.
Sidoo kale Madaxweyne kuxigeenka Xisbiga oo ay ku tartamayayeen C/raxmaan C/llaahi Seylici iyo Saleebaan Ciise Xagla-Toosiye ayaa waxaa guuleystay C/raxmaan Seylici oo helay 230-cod, halka Xagla-Toosiye uu helay 114 cod.
Si kastaba ha ahaatee Xisbiga talada haya ee Kulmiye ayaa waxaa soo food-saaray qalalaase siyaasadeed, iyadoo Wasiiro badan oo ka tirsanaa Xukuumadda Somaliland ay isku casileen khilaafka xisbiga ka jiray dartiis.