DAAWO:-Isku Shaandheyn Goordhow Lagu Sameeyay Golaha Wasiirada Kheyre

Read Time:30 Second

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa goor dhow Magacaabay Wasiiro dhowr ka dib Wareegto kasoo baxday Xafiiskiisa.

C/llaahi Goodax Barre ayaa loo magacaabay Wasiirka Waxbarashada, Maadama horay xilkaasi looga qaaday Cabdiraxmaan Daahir Cusmaan.

Riix Halkaan Si Aad u Daawato Muuqaalka.

Wasiirka Xanaanada Xoolaha ayaa loo magacaabay Xuseen Sheekh Maxamuud Xuseen Badni, halka Wasiirkii xilkaas hayay Sheekh Nuur loo magacaabay Wasiirka Diinta iyo Awqaafta.

Sidoo kale wasiiru dowlaha Madaxtooyada ayaa loo magacaabay C/qaadir Sheekh Baqdaadi, waxaa uu bedelay Wasiiru dowlihii hore Khaliif C/qaadir Macalin Nuur.

Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka badda waxaa loo Magacaabay Cabdullaahi Bidhaan Warsame.

 

About Post Author

Ardaan Yare

Tifatirah wararka ku soo baxa afka soomaaliga
Happy
Happy
0 0 %
Sad
Sad
0 0 %
Excited
Excited
0 0 %
Sleepy
Sleepy
0 0 %
Angry
Angry
0 0 %
Surprise
Surprise
0 0 %