Muuqaal: Faahfaahin: qasaaraha Ka dhashay qaraxii ka dhacay isgoyska Sayidka ee Muqdisho
Muqdisho (Mareeg News ) Faah faafin dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax gaari loo adeegsaday oo Galabta ka dhacay agagaarka ee Xarunta Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya oo ku taalla agagaarka Sayidka.
Qaraxa ka hor ayaa la sheegay in Ciidamada Dowladda ay istaajiyeen gaariga balse uu qarxay,waxana soo baxaya faah faahin ku saabsan khasaaraha ka dhashay qaraxaas.
Wararka soo baxaya ayaa waxa ay sheegayaan in ilaa afar Ruux ay qaraxaasi ku geeriyoodeen,sidoo kalena in ka badan ay ku dhaawacmeen,balse weli lama cadeyn halka sida rasmiga ah gaarigaas uu ugu socday.
Masuuliyiin ka tirsan laamaha amniga Soomaaliya ayaa gaaray Goobta uu qaraxa ka dhacay kuwaas oo la filayo in saacadaha nasoo aadan ay Warbaahinta u faah faahiyaan qaraxaas.
https://youtu.be/p-qKxve1-a0
Comments are closed.