Muungaab: Tirakoobka saxda ah ee dadka Muqdisho ayaan soo saari doonna * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Muungaab: Tirakoobka saxda ah ee dadka Muqdisho ayaan soo saari doonna

Mareeg.com: Gudoomiyaha gobalka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho, Xasan Maxamed Xusen “Muungaab” oo warbaahinta lahadlay ayaa sheegay  in maamulka gobalka Banaadir uu dhawaan soo saari doono tirada rasmiga ah ee dadka ku nool magaalada caasimada ah ee Muqdisho isagoo tira koobka dhawaan la soo saaray ku tilmaamay mid aan sax ahayn.

Xasan Maxamed Xuseen ayaa sheegay in maalinba maalinta ka dambeysa ay tiro hor leh ku sii kordheyso dadka ku nool gobolka Banaadir.

“Shacabka rasmiga ah ee ku nool waa labo milyan iyo lix boqol ayuu ahaa sanad ka hor tiradana wey sii korartay marka tirakoobka rasmiga ah anagaa soo saari doona” sida waxaa sheegay gudoomiye Muungaab.

mungab_xamar

 

Dhinaca kale, dhul dhawaan dowladda Hoose ee Muqdisho burburrisay oo loogu talagalay in laga hirgaliyo  suuq cusub oo ay ku ganacsadaan dadka danta yar ah ee ku nool degmada Yaaqshiid gaar ahaan waaxda Towfiiq ayaa maanta waxaa dhagax dhigay gudoomiyaha gobalka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho.

Goobta la dhagax dhigay waxaa  goob joog ka ahaa gudoomiyaha degmada Yaaqshid, Cismaan Maxamuud Cadaawe iyo ururada bulshada.

Dhagax dhiga kadib waxaa warfidiyeenada la hadlay gudoomiyaha degmada Yaaqshid Cismaan Maxamuud Cadaawe waxa uu ka warbixiyay ahmiyada uu leeyahay suuqa cusub uu maamulka degamada ka hirgalin doono nawaaxiga suuqa Towfiiq ee degmada Yaaqshid ee magaalada Muqdisho.

“Insha’allahu Tacaala waxaa laga dhisi doonaa  labo  boqol iyo sagaashan iyo afar dabakaayo oo ka sameysan  jiingadda nooca loo yaqaano bacweynaha” ayuu yiri Cadaawe.

Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Xasan Muungaab ayaa ku amray maamulka degmada in si cadaalad ah dadka danta’yar ah  ugu qey biyo suuqa cusub ee dhawaan laga hirgelin doono.

“Waxaa lagama maarmaan ah inaad dadka cadaalad  wax ugu qeybisaan maamulka  hadaad tihiin, dadweynaha deegaankan degan oo suuqan ku ganacsan jiray waa in si cadaalad ah  oo wax loogu qeybiyo” ayuu yiri Muungaab.

Suuqaan la dib loo dhisayo ee ku yaalla Towfiiq waxaa sheeganaya dad farabdan kuwaasoo sheegaya iney u heystaan cadeymo lahaansho, halka maamulka gobolka Banaadir sheegayo in dad danyar ah loo qeybinayo.

Mareeg Media

 

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!