Mareeg.com: Gudoomiyaha gobolka Banaadir, ahana duqa Muqdisho Xasan Muungaab ayaa sheegay in mustaqbalka la isku shaandheyn doono gudoomiyaasha gobolka Banaadir oo intooda badan weli ku dhisan qaab qabiil.
Muungaab ayaa hadalkaan ka jeediyey kulan loogu talagalay Isdhexgalka bulshada oo Muqdisho, lagu qabtay, wuxuuna xusay in is badelka lagu sameeyey gudoomiyaashii hore uu keenay xal horudhac ah.
“Isbaldelkii lagu sameeyey gudoomiyaasha degmooyinka gobolka Banaadir mushkilad ayuu xaliyey, majo dhooqo midba mar ayaa la siibaa, waxaa la sameyn doonaa isku-shaandheyn, Reer qurac igaarkooda kaliya inuu xukumo, reer Qansaxna igaarkoodu xukumo” ayuu yiri Muungaab.
Wuxuu sheegay Muungaab in sanadka 2016 doorasho ka dhici doonto Soomaaliya, doorashadaasna ay weyb ka tahay doorashada gudoomiyaasha degmooyinka gobolka Banaadir.
Muungaab ayaa markii loo magacaabay gudoomiyaha gobolka Banaadir horaantii sanadkan 2014 badelay dhamaan gudoomiyaashii hore ee degmoyinka Muqdisho.
This site uses functional cookies and external scripts to improve your experience. Which cookies and scripts are used and how they impact your visit is specified on the left. You may change your settings at any time. Your choices will not impact your visit.
NOTE: These settings will only apply to the browser and device you are currently using.
Comments are closed.