Muungaab oo xilka laga qaaday

 

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xilka ka qaaday Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen Muugaab.

 

Xoghayaha Joogtada ee Wasaarada Arrimaha Gudaha oo saxaafada la hadlay ayaa sheegay in xilkii laga qaaday Mr. Muungaab oo ku dhawaad labo sano soo ahaa Gudoomiyaha gobolka Banaadir.

 

Waxa uu intaa ku daray in xilkaasi loo magacaabay Yuusuf Xuseen Jimcaale oo lagu tiriyo in uu kamid yahay dadka ku dhaw Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

 

Macada sababta rasmiga ah ee ka danbeysa xil ka qaadista Mugaab, hase ahaatee todobaadyo ka hor ayay aheyd markii khilaaf u dhexeeya Wasiirka Amniga iyo Duqa Muqdisho uu soo shaacbaxay.

 

Sidoo kale waxaa muddo soo jiitameysay hadalheynta ku aadan in Madaxweynaha Soomaaliya uu xilka ka qaadi doono Xasan Maxamed Xuseen Muugaab.

 

27kii bishii February 2014 ayay aheyd markii Mr. Muungaab loo gacaabay xilka Gudoomiyaha gobolka Banaadir, kolkaas oo Madaxweynaha Soomaaliya uu xilka ka xayuubiyay Maxamuud Axmed Nuur Tarzan.

 

Wixii warar ee ku soo kordha kala soco wararkeena dambe