Muungaab oo sii wada safarada debadda ah & howlihii gobolka Banaadir oo gaabis ah

Read Time:42 Second

Mareeg.com: Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa maanta u ambabaxay Magaalada Doxa ee dalka Qadar.

Safarka uu Qadar ugu ambabaxay Duqa Muqdisho ayaa ka dambeeyay, kadib casuumaad uu ka helay madaxda dalkaasi, sida ay sheegeen Saraakiil maamulka Gobolka ka tirsan.

Muungaabd ayaa mas’uuliyiinta Qadar hadli doona arimaha dalka Soomaaliya gaar ahaan dib udhiska Magaalada Muqdisho.

Gudoomiye Muungaab ayaa bilihii lasoo dhaafay safaro is xig xiga ku tegayey qaar ka mid ah dalalka Caalamka, iyadoo holwihii laga sugayana ay gaabis u muuqdaan.

Wadooyin ay todobaadyo ka hor uu jara roob ka da’ay Muqdisho ayaan weli xitaa la carro buuxin sida jidka isku xira Isgoysyada Bakaaraha iyo Dabka oo bohol wey ka qodantay, gaadiidku xaafadaha maro.

Sidoo kale, waxaa wasaq badan taalaa wadooyinkii dhawaan dowladda Turkigu dhistay, iyadoo dowladda Hoose ku fashilntay iney ka shaqeyso nadaafadda.

Mareeg Media

About Post Author

A warsame

Published by senior editor and managing Director of Mareeg Media Mr A Warsame Whatup :+447737886245
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %