Muungaab oo safar ku kala bixinaya qaar ka mid dalalka Yurub * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Muungaab oo safar ku kala bixinaya qaar ka mid dalalka Yurub

Mreeg.com: Gudoomiyaha gobolka Banaadir, ahna duqa Muqdisho Xasan Maxamd Xuseen (Muungaab) iyo wafid uu hogaaminayo ayaa maanta ka ambabaxay Muqdisho, isagoo kusii jeeda qaar ka mid ah dalalka Midowga Yurub.

Afhayeenka maamulka gobolka Banaadir, Cali Seeko oo Muqdisho kula hadlay warbaahinta kadib markii wafdiga Muungaab ka dhoofay Muqdisho ayaa sheegay in gudoomiyihu uu tegi doono dalalka kala ah: Turkiga, Taliyaaniga iyo Sweden.

“Gudoomiyuhuu wuxuu saaka u baxay booqashooyin rasmi ah uu ku tegayo qaar ka mid ah dalala aduunka, wuxuuna ku hormayaa dalka Turkiga, kadibna wuxuu uga sii gudbayaa Taliyaaniga iyo Sweden” ayuu yiri Cali Seeko.

Wuxuu Cali Seeko warbaahinta u sheegay in sababta uu gudoomiye Muungaab u aadayo dalalkaas qeyb ka tahay barnaamijka lagu dhisayo caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

Muungaab ayaa la kulmi doona jaaliyadaha Soomaaliyeed ee dalalka Taliyaaniga iyo Sweden sida uu sheegay, afhayeen Cali Seeko.

Muungaab ayaa horay u tegay dalka Turkiga, waxaana safarkaan noqonayaa kii ugu horreeyey uu ku tago qaar ka mid ah dalalka Midowga Yurub.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!