Muungaab oo la shiray dhigiisa Istanbul

Istanbul – Mareeg.com: Guddomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen (Muungab) oo booqasho rasmi ah ku joogo magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga ayaa kulan la qaatay dhiggiisa magaalada Istanbuul Mr. Kadir Tobas.

Labada mas’uul ayaa ka wada hadlay arrimo dhowr ah oo ay ugu muhiimsaneed:
1. Sidii loo sii dar-dar galin lahaa howlaha mataanaynta labada magaalo ee Istanbul iyo Muqdisho.
2. In iskaashi laga sameeyo dhanka tababaridda shaqaalaha kala duwan ee dowladda hoose ee Muqdisho iyadoo la is dhaafsanayo khubarro iyo macallimiin takhasusyo kala duwan leh.

Gabagabadii shirka ayaa lagu balamay in laba koox oo Injineero ah kana kala socda dowladda hoose ee Muqdisho iyo tan Istanbull ay ka wada doodaan barnaamijka maaraynta biyaha iyo bulaacadaha iyo sidoo kale hab dhismeedka wadooyinka iyadoo leesla fiiri doono qorshe dokumiintari ah oo ay soo diyaarisay dowladda hoose ee Muqdisho.

Duqa magaalada Muqdisho ayaa barito u duuli doono magaalada Ankara ee caasimadda Turkiga halkaasoo uu kulan rasmi ah kula qaadan doono duqa magaalada Ankara.

Roobab aan xoog badneyn oo dhawaan ka da’ay Muqdisho ayaa baabi’iyey bullaacado ay Turkigu dhiseen, taasoo keentay in lala tashadaho Injineerada Soomaalida ah.

Mareeg Media

About A warsame 9751 Articles
Published by A Warsame .He can be reached by news@mareeg.com or Mobile :+447737886245