Muungaab oo kulan la qaatay gudoomiyaasha 16-ka degmo ee Banaadir * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Muungaab oo kulan la qaatay gudoomiyaasha 16-ka degmo ee Banaadir

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Xasan Xuseen (Muungaab) ayaa maanta kulankii u horeeyay la qaatay Gudoomiyaasha 16-ka degmo, iyadoo kulankan ahaa mid is barasho.

Ugu horeyn waxaa ka hadlay kulanka Gudoomiye kuxigeenka siyaasada iyo arrimaha bulshada oo sheegay in kulankan uu yahay mid is barasho ah, isagoo xusay in Gudoomiyaha cusub uu doonayo inuu wada shaqeyn dhab ah la yeesho Gudoomiyaasha degmooyinka.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho ayaa ugu horeyn uga mahadceliyay dhaaman Guddoomiyeyaasha 16-ka degmo ee maamulka Gobolka Banaadir howsha adag oo ay shacabka u hayaan, wuxuuna ka dalbaday iney sii laba jibaaraan howshooda, isagoo markale meesha ka saaray hadalo been abuur ah oo la rabo in qalqal lagu galsho hanaanka maamul wanaaga gobolka Banaadir ee ah in la badali doono shaqaalaha gobolka iyo degmooyinka.

Duqa Muqdisho ayaa caddeeyay in maamulka gobolka ee uu hormuudka ka yahay aysan u qorsheysneyn haba yaraate inay badalaan shaqaalaha hada shaqeynaya ee horay u joogay gobolka Banaadir ama degmooyinka, marka laga reebo cidii shaqada loo igmada ka soo dhalaali weysa.

Sidoo kale mudane Muungaab waxa uu maamulada dagmooyinka ka codsaday iney amniga dagmadooda adkeeyaan, islamarkaana uu gaar gaar iyo guud ahaanba ula kulmi doono dhamaan guddoomiyeyaasha dagmooyinka gobolka Banaadir.

Dhinaca kale waxaa dar dar cusub la galiyay howlihii bixinta iyo qaadashada kaararka muwaadinimada, iyadoona lagu soo kordhiyay adeegyo cusub iyo xafiis cabashada dadweynaha ah kaasoo la rajeynayo in baahida iyo cabashada dadweynaha uu wax weyn ka qaban doono.

Xafiiska Warfaafinta maamulka Gobolka Banaadir
Mogadishu-Somalia.

Faafin: Mareeg Media

 

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!