Muungaab oo baaq u diray xildhibaanadii madaxweyne Xasan ujeediay inuu iscasilo
Muqdisho – Mareeg.com: Gudoomiyaha gobolka Banaadir, Xasan Maxamed Xuseen “Muungaab” ayaa ugu baaqay xildhibaanadii soo jeediyey in madaxweyne Xasan Sheekh is casilo ay ka laabtaan arrintaas.
Muungaab ayaa hadalkaan ka sheegay khudbad uu ka jeediyey debadbax lagu taageerayey madaxweyne Xasan Sheekh, kaasoo maanta lagu qabtay garoonka kubadda cagta Stadium Koonis ee Muqdisho.
Muungaab ayaa sheegay in shacabka Soomaaliyeed ka niyad jabeen hadalkii kazoo yeeray qaar ka mid ah xildhibaanada baarlamaanka, kaasoo ahaa in madaxweynuhu ka tago kursiga madaxweynaha.
“Waan ka xunahay, waana ka niyad jabnay baaqii xildhibaanada kasoo jeediyeen Hotel Saxafi ee madaxweynaha ku yiraahdeen is casil, bulshada Soomaaliyeed waxay leeyihiin baaqaas wuxuu ahaa mid na niyad jebiyay, xildhibaanada xaq ayay u leeyihiin inay wax dhaliilaan, wax doortaan Xukuumada la xisaabtamaan, laakiin ma ahan inay dhahaan Madaxweynuhu is casil”ayuu yiri Gudoomiye Muungaab.
Debadbaxa ayaa waxaa sidoo kale khudbado ka jeediyey xubno ka tirsan baarlamaanaka Soomaaliiya oo madaxweynaha taageersan
Qaar ka mid ah xildhibaanadii kula taliyey madaxweynaha inuu is casilo ayaa sheegay in debadbaxii maanta ka dhacay Muqdisho uusan badeli doonin mowqifkooda.
Mareeg Media
Comments are closed.