Muungaab: Ma jiro qof waajibkiisa gudanaya oo laga ceyrinayo shaqada Dowladda Hoose * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Muungaab: Ma jiro qof waajibkiisa gudanaya oo laga ceyrinayo shaqada Dowladda Hoose

Muqdisho – Mareeg.com: Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen Muungaab ayaa maanta kulan isbarasho ah la qaatay dhamaan Agaasime-yaasha dowladda hoose ee Muqdisho iyo maamulka Gobolka Banaadir.

Kulank Muungaab

Kulankan oo ka dhacay xafiiska gudoomiye Muungaab ayaa waxaa ka soo qeyb galay 35-Agaasime, waxaana ujeedada kulanka aheyd isbarasho iyo dardaaran adag oo uu duqa magaalada u jeediyay dhamaan Agaasime-yaasha.

Shirka inta uu socday ayaa waxaa Gudoomiyaha maamulka Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen Muungaab uu u caddeeyay dhamaan agaasime-yaashii uu kulanka la qaatay iyo dhamaan shaqaalaha gobolka Banaadir oo dhan ineysan jirin inuu doonayo inuu badalo qof shaqadiisa watay.

Wuxuuna ku sifeeyay Muungaab in qorshihiisa aysan aheyn badal shaqsi, oo kaliya balse uu yahay isbadal dhab ah oo shaqeeya oo ka dhex dhasha dhamaan waaxyaha kala gadisan ee Maamulka Gobolka Banaadir iyo dowladda hoose ee Muqdisho.

“Ma jirto cid shaqadeeda wadata oo aan badaleyno, waxaan kaliya badali doonaa ciddii shaqadeeda gudan weysa, oo ka soo bixi weysa waajibaadka la saaray iyo adeega ay shacabka u heyso” ayuu yiri Xasan Maxamed Xuseen “Muungaab”.

Duqa Muqdiso ayaa kula dardaarmay dhamaan howlwadeenada kala duwan ee dowladda hoose ee Muqdisho iyo maamulka Gobolka Banaadir iney dhaxda u xirtaan sii laba jibaaridda holwaha ay u hayaan shacabka.

Agaasime yaasha dowaldda hoose ee Muqdisho ee kulanka maanta xafiiskiisa kula qaatay gudoomiye Muungaab ayaa uga mahadceliyay Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho, kulankaasi isbarashada ahaa iyo dardaarankii daba socday, waxeyna balan qaadeen iney sii laba jibaari doonaan howshooda.

Markii uu kulankaasi soo dhamaaday ayaa waxaa saxaafadda la hadlay Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir, Maxamed Yuusuf Cismaan, oo sheegay in kulankaasi uu guul kusoo dhamaaday, islamarkaana ay socon doonaan kulamo wada tashi ah oo duqa Muqdisho la qaadan doono qeybaha kala duwan ee bulshada.

Muungaab ayaa labo maalmoo ka hora xilka gudoomiyaha gobolka Banaadir iyo duqa Muqdisho kala wareegay gudoomiyihii hore Maxamuud Axmed Nuur “Tarsan”.

Isha: Xafiiska Warfaafinta maamulka Gobolka Banaadir

Faafin: Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!