Muungaab iyo Kay oo wadahadal ka yeeshay doorashada Dowladda Hoose ee Muqdisho * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Muungaab iyo Kay oo wadahadal ka yeeshay doorashada Dowladda Hoose ee Muqdisho

Mareeg.com: Gudoomiyaha gobolka Banaadir, Xasan Maxamed Xuseen “Muungaab” iyo Ergayga Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Danjire Nickolas Kay ayaa maanta kula ku yeeshay Muqdisho.

Gudoomiye Muungaab iyo Kay ayaa ka wada hadlay arimo dhowr ah oo ay igu muhimsaneed qaabka doorashada dowlada Hoose iyo sidii caasimadda Soomaaliya loogu sameyn lahaa maqaam gooni ah si ay wax ula qeybsato wadanka intiisa kale.

Danjire Kay oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in gudoomiyaha xilligaan haya hogaanka gobolka Banaadir uu wax badan qabtay.

“Waxaan Gudoomiyaha gobolka Banaadir uga Mahadcelinayaan Mudadadii sanadka aheyd oo xilka hayey sida wanaaagsan oo uga shaqeyay arimaha horumarinta, iyo wacyigelinta bulshada Soomaliyeed aniga waxaan Marqaati ka ahay in Maamulka gobolka Banaadir uu qabtay wax cad oo la taaban karo” ayuu yiri Danjire Kay.

Sidoo kale Kay ayaa sheegay in mudadii sanadka aheyd ee Maamulka gobolka Banaadir uu Muunaagb Hogaaminayey in aysan Wax dhibaato ah soo gaarin hay’addaha Qaramada Midoobay ee ka howlgala magaalada Muqdisho.

Muungaab ayaa dhankiisu u mahadceliyey danjire Kay, wuxuuna yiri “Waan ugu mahadcelinaynaa sida uu mar walba u soo booqdo xarunta maamulka gobolka ee degmada Heliwaa waana arin farxad leh in uu Kay sidaa sameeyo”.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!