Muungaab iyo Injineero u socdaalay Turkiga

Muqdisho – Mareeg.com: Guddoomiyaha gobalka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) oo ay la socdaan njineero Soomaali ah ayaa saaka u kicitimay dalka Turkiga.

Ujeedka socdaalka Muungaab ee dalka Turkiga ayaa waxaa la sheegay inay tahay arimo ku qotoma dhanka dib udhiska magaalada Muqdisho iyo mashaariicda dowladda Turkiga ay ka wado caasimadda.

Afhayeenka maamulka Gobalka Banaadir, Axmed Cusmaan Showqi ayaa warbaahinta u sheegay in guddoomiye Muungaab safarka ay kula wehliyaan Injineero Soomaali ah kuwaasi oo dalka Turkiga la tagaya.

Wuxuu kaloo sheegay in dalka Turkiga duqa Muqdisho uu kula soo kulmi doono masuuliyiinta dalkaasi, uuna kala hadli doono arimaha ku aadan mashaariicda Dowladda Turkiga ay Muqdisho ka fuliso.

Waa safarkii ugu horeeyay ee dalka Turkiga uu ku tago Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) Guddoomiyaha Gobalka Banaadir tan iyo markii Madaxweyne Xasan Sheekh uu umagacaabay xilkaan.

Muungaab ayaa February 27, 2014 loo magacaabay gudoomiyaha gobalka Banaadir, wuxuuna isbadel ku sameeyey dhamaanku maamulkii degmooyinka gobolka.

Mareeg Media

About A warsame 9751 Articles
Published by A Warsame .He can be reached by news@mareeg.com or Mobile :+447737886245