Muslimiinta UK oo ka sheeganaya in lagu takooro diintooda (Daraasad) * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Muslimiinta UK oo ka sheeganaya in lagu takooro diintooda (Daraasad)

Mareeg.com: Aqlabiyadda Muslimiinta Britain ayaa daraasad la sameeyey lagu ogaaday iney 95% ay daacad u yihiin dalka ay ku noolyihiin ee Britan.

Daraasaddan oo ay BBC maalgelisay, islamarkaana ay fulisay hay’ad madax banaan ayaa lagu sheegay in kala bar Muslimiinta dalkaas ay qabaan in diintooda lagu takooro.

Daraasaddu, waxay kaloo muujisay in Muslimiinta UK badankoodu ku waafaqsanayn kuwa doonaya in lala dagaalamo danaha reer galbeedka.

Balse, 27% ee ka mid ah kunkii Muslimiinta Britain ah ee daraasadda lagu sameeyey waxay sheegeen in ay dareensan yihiin sabibihii ka dambeeyey weeraradii Paris.

Waxaase 80% Muslimiinta UK ay aad u dhibsadeen sawirada lagu magac-dilo nabi Mohamed ee la daabaco.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!