Muslimiinta Niger oo gubay Kaniisado & Faransiiska oo diidan dagaal diimeed * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Muslimiinta Niger oo gubay Kaniisado & Faransiiska oo diidan dagaal diimeed

Mareeg.com: Boqolaal dadweyne careysan ayaa waxa ay isugu soo baxeen Wadooyinka Magaalada Niamey iyo Zinder ee dalka Niger.

Dadweynahaani ayaa waxa ay halkaasi ku gubeen ilaa 10- Kaniisadood, kadib markii ay halkaasi kusoo bandhigeen banaanbaxyo ay uga soo horjeeden Wargeyska Charlie Hebdo ee dalka Faransiiska oo mar labaad daabacay kartoon uu ku aflagaadeynaayo Nabi Muxamed (NNKH).

Kartoonkaani ayaa waxa uu aad uga careysiiyay dhamaan Muslimiinta Caalamka, waana tan sababtay in inta badan Wadamada caalamka laga dhigo banaanbaxyo lagu diidaayo Aflagaadada NNKH.

Sidoo kale waxay weerareen xarun dhaqameed uu Faransiisku ku lee yahay Magaalada Zinder.

Dadka deegaanka, ayaa Warbaahinta u sheegay in dhalinyarada ay dab qabadsiiyeen Kaniisadaha, ka gadaal boob ay ka geysteen.

Waxaa xusid mudan in waxyaabaha ay shacabkaasi gubeen ay kamid ahaayen Gaadiidka nooca loo yaqaan Cabdi-bilaha oo ay laheyd Dowlada Niger.

Baadari lagu magacaabo Zakaria Jadi, oo kaniisaddiisa la gubay ayaa BBC-da u sheegay in waxba aan looga tagin meesha.

Dalalka kale ee dibadbaxyada ay ka dheceen waxaa ka mid ah, Pakistan, Turkiga, Yaman, Soomaaliya iyo kuwa kaloo badan.

Dhan kale, madaxweynaha Faransiiska Francois Hollande, ayaa sheegay in uusan marnaba aqbalayn in uu dabinka ugu dhaco “Argagixisada” oo uu faraha la galo dagaal diimeed.

Mr Hollande ayaa hadalkaasi jeediyay xilli dibad-baxyo ka dhanka ah Faransiiska ay ka socdaan waddamo badan oo uu ka mid ah dalalka Islaamka.

Dibadbaxyada ugu ballaaran ayaa waxa ay ka dhacayaan dalka Niger oo illaa todobo kaniisad lagu gubay.

Mr Hollande ayaa sheegay in Faransiisku uu ahaanaya dal calmaani ah oo u furan diimaha oo dhan.

Waxa uu ugu baaqay dadka dalkiisa in ay midoobaan oo ay ku dhegnaadaan mabaa’diida dalkooda.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!