Garowe, Mareeg.com: Murashaxiinta ku sugan magaalada Garowe ee u tartamaya xilka Madaxweynaha iyo Madaxweyne kuxigeenka ayaa aqbalay Guddiga xalinta khilaafaadka iyo diiwaangelinta Xildhibaanada oo uu horey u magacaabay Madaxweynaha Puntland Cabdiraxmaan Maxamed Faroole.
Musharraxiinta ayaa horay u qaadacay guddigaas waxeyna ka barbar magacaabeen guddi kale oo ku tiro ah, sidoo kale waxey musharaaxiintu mar ay la kulmeen Faroole ku kala boodeen ka laabashada guddigaas oo Faroole diiday inuu ka laabto.
Go’aankan ayaa saaka la shaaciyey kadib wadahadalo dheer oo todobaadyadii lasoo dhaafay u socday murashaxiinta iyo qaar kamid ah Issimada gobalada Puntland.
Waxaa lagu wadaa in dhawaan la shaaciyo warsaxaafadeedka ay ku saxiixan yihiin Murashaxiinta ku sugan Garowe oo matalayey murashaxiinta xilalka Madaxweynaha iyo Madaxweyne kuxigeenka u tartamaya doorashada bisha Janaayo 2014.
Mid kamid ah murashaxiinta u tartamaya xilka madaxweynaha laga soo xigtay in murashaxiintu ay isku raaceen in ay aqblaan guddiga uu Madaxweyne Faroole soo magacaabay.
Maalmihii u dambeeyey waxaa magaalada Garoowe ka socdey dadaallo dhexdhexaadin ah oo ay wadeen isimadda Puntland, xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya iyo qaybaha kala duwan ee bulshada, kaddib markii ay murashaxiinta iyo Madaxweynuhu ku kala kaceen kulan ay Garoowe ku yeesheen kaasoo ay ujeedadiisu ahayd sidii arrintan xal looga gaari lahaa.
Mareeg.com