Musharraxiinta Puntland Oo Shuruud Ku Aqbalay Guddi Uu Magacaabay Faroole

Garowe, Mareeg.com: Musharraxiinta madaxweynaha iyo ku xigeenada maamulka Puntland ayaa ogolaaday guddiga xallinta khilaafaadka iyo soo xulista golaha wakiilada, iyagoo ku xiray labo shardi.

Shir musharraxiinta Puntland ku yeesheen magaalada Garowe shalay oo arbaco ah ayay kazoo saareen 4 qodob oo ku saabsan arrimaha doorashada iyo soo xulidda golaha wakiilada ee dooranaya madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa.

Musharraxiinta oo gaarayey 21 ayaa soo saaray qoraalkan:
Ku: Isimmada Puntland
Ogeysiis: Cidii ay khuseyso

– Annagoo eegeyna danta shacabka, dalka iyo dadka Puntland,
– Annagoo qaadaneyna mas’uuliyadeena taariikheed ee ku aadan khilaafka xoogan ee ka jira doorashooyinka Dowladda Puntland ee sannadka 2014.
– Annagoo tixgelineyna imaatinka Isimmadii Puntland oo uu ugu dambeeyey Boqor Burhan Boqor Muuse.
– Annagoo dooneyna in ay dhacdo doorasho xalaal iyo cadaalad ku dhisan,

Waxaan isla gaarney:

1- In aan mas’uuliyadda khilaafkii noo dhaxeeyey annaga iyo Madaxweynaha aan ku wareejinay Isimmada Soo-jireenka ah ee Puntland.
2- In aan dooneyno in aan helno doorasho xalaal ah oo lagu kalsoonaan karo dhinac walba.
3- In aan ku ogolaano Guddiga Khilaafaadka labada shardi ee hoos ku qoran:
A- In xulashada Baarlamaanka 2013-2014 marjic looga dhigo Isimmadii aasaasey Puntland 1998dii,
B- In wixii khilaafaad ah oo kasoo baxa xulashada Baarlamaanka 2013-2014 loo soo gudbiyo Isimmadii marjica u ahaa Doorashadii 2008, sida ku cad lifaaqa, ayna go’aanka kama-dambeysta ah iyagu leeyihiin.
4- Waxaa soo jeedineynaa in lala xiriiro oo la casumo Ismmada ka maqan shirka ee soo-jireenka ah, gaar ahaan kuwa kasoo jeeda gobalada Sool iyo Ceyn.

Waxaan ku wareejinaynaa mas’uuliyadda habsami-u-socodka doorashadda guud ee Puntland 2014, isimmadda soo-jireenka ah ee Puntland oo waligood marjic u ahaa doorashooyinkii hore ee Puntland.

Arrinta Amniga doorashooyinka waa in lagu ixtiraamo loona madaxbaneeyo Taliyaha Ciidanka Daraawiishta Puntland ahna mas’uulka amniga Doorashooyinka Gen.Siciid Maxamed Xirsi (Siciid Dheere) sidii lagu heshiiyey.

Murashaxiinta:
1. Maxamed Cabdinur Xirsi
2. Cali Xaaji Warsame
3. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas
4. Cali Xaaji Cabdulle
5. Cali Cabdi Awaare
6. Cabdullahi Siciid Samatar
7. Cabdullahi Shiikh Axmed
8. Shire Xaaji Faarax
9. Cabdidaahir Maxamed Yusuf
10. Cali Cabdulqaadir Yuusuf
11. Saadiq Maxamed Eenow
12. Cabdiweli Maxamuud Cilmi Gurey
13. Cabdirisaaq Nuur Caluula
14. Maxamuud Cabdiraxmaan Cuuke
15. Maxamed Cali Yusuf Gaagaab
16. Cabdullahi Daahir Maxamuud Afqurac
17. Cabdullahi Cali Xirsi
18. Xuseen Xaashi Xasan
19. Yaasiin Faarax Cartan
20. Cabdixakiim Cabdullahi Cumar Camey
21. Cali Cumar Caarshe

Waxaa Bayaankan saxiixay Guddoomiyaha Murashaxiinta:
Cabdullahi Siciid Samatar