Musharraxiinta Puntland Oo Guda Galay Khudbadaha Ay U Jeedinayaan Baarlamanka

Read Time:1 Minute, 12 Second

Garowe, Mareeg.com: Musharraxiinta u taagan xilka madxweynaha maamulka Puntland ayaa bilaabay jeedinta khudbadahooda ku aadaan waxyaabaha ay qabanayaan haddii ay xilkka ku guuleystaan.

Jeedinta khudbadaha ayaa ka dhaceysa xarrunta gobolaha wakiilada Puntland, taasoo si weyn amaankeeda loo adkeeyey.

Waxaa hoolka loo ogolaaday iney galaan in ka badan 50 hay’adood oo warbaahinta gudaha iyo kuwa caalamka ka kala socda si ay u tabiyaan doorashada.

Musharixiinta u tartamaya xilka Madaxweynaha Puntland oo tiradoodu gaareyso 11 Musharax iyo 10 Musharax oo u tartamaya ku-xigeenada ayaa ku wada sugan xarunta Golaha Wakiilada, waxa hortooda fadhiya Xildhobaanadii codkooda lagu tartamaayey.

Khudabadaha Musharixiinta ayaa lagu wadaa in ay soo afjarmaan salaada duhur kadib, waxaana maalinta berri ah ah la isugu imaan oo keliya Doorashada Madaxweynaha iyo kuxigeenkiisa.

Soo jeedinta khudbadaha ayaa lagu bilaabey Musharax Cali Xaaji Warsame, sida ay u kala horeeyeen soo gudbinta codsigooda, waana sidaan:
1- Cali Xaaji Warsame
2- Cabdiweli maxamed Cali Gaas
3- Cali Cabdulqaadir Yusuf
4- Cabdiweli Maxamuud Gurey
5- Shire Xaaji Faarax
6- Maxamuud Cabdiraxmaan Cuuke
7- Cabdullaahi Siciid Samanter
8- Maxamed Cabdinuur Xirsi
9- Cabdidaahir Maxamed Yusuf Yeey
10- Cali Cabdi Awaare
11- Cadbiraxmaan Maxamed Faroole

Liiska kuxigeenada:
1- Gen.Cabdisamad Cali Shire
2- Cabdullaahi Cali Xirsi Timacade
3- Cabdullaahi Daahir Maxamuud (Afqirac)
4- Axmed Cilmi Cismaan (Karaash)
5- Maxamuud Caydiid Dirir
6- Daahir Khaliif Maxamuud
7- Cabdirisaaq Maxamed Cumar Godane
8- Maxamed Xirsi Ducaale
9- Cabdixakiin Cabdullaahi Xaaji Cumar
10- Xuseen Xaaji Xasan

Mareeg.com

About Post Author

A warsame

Published by A Warsame is senior Editor and managing Director of Mareeg Media Whatup :+447737886245
Happy
Happy
0 0 %
Sad
Sad
0 0 %
Excited
Excited
0 0 %
Sleepy
Sleepy
0 0 %
Angry
Angry
0 0 %
Surprise
Surprise
0 0 %