Musharraxiin Faroole Ugu Yeeray Ka Qeybgalka Shir Looga Hadlayo Arrimaha Doorashada

Read Time:53 Second

Garowe, Mareeg.com: Qaar ka mid ah musharraxiinta u taagan xilka madaxtinimad Puntaland ayaa ugu yeeray madaxweynaha maamulkaas C/raxmaan Faroole inuu kazoo qeybgalo shirka looga hadlayo arrimaha doorashada oo lagu qabanayo magaalada Garowe.

Shir-saxaafadeed 4 kamid ah Musharixiinta xilka Madaxweynaha Puntland ee 2014 maanta ku qabteen magaalada Garowe ayaa looga hadlay saddex qodob oo ku saabsan doorashooyinka Puntland, kuwaasoo kala ah:- Guddiga xalinta khilaafaadka, Doorka isimada, iyo Shir ka dhacaya Garoowe oo musharixiintu ku baaqeen.

Musharax Cali Xaaji Warsame oo ugu horeyntii shir-saxaafadeedka ka hadley ayaa sheegay in ay wakiilo ka yihiin Musharixiinta u tartamaaya xilka Madaxweynaha Puntland 2014 meelkasta oo ay joogaan.

Cali Xaaji Warsame ayaa sheegay iney doonayaan iney la kulmaan Madaxweynaha hadda xafiiska jooga Cabdiraxmaan Faroole, isla markaasna uu kala soo qaybgalo shir ka dhacaya PDRC maalinta Sabtida ah taariikhduna tahay 14.12.2013, shirkaas oo looga hadlayo arrimaha doorashada Puntland.

Faroole ayaa shalay magaalada Garowe ka sheegay in musharraxiinta doonaya iney la tartamaan aysan tayo laheyn, wuxuuna si gaar ah u weerararay R/wasaarihii C/weli Maxamed Cali Gaas.

Mareeg.com

About Post Author

A warsame

Published by senior editor and managing Director of Mareeg Media Mr A Warsame Whatup :+447737886245
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %