Musharraxiin Diiday Guddiga Xallinta Khilaafaadka Ee Uu Magacaabay Faroole * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Musharraxiin Diiday Guddiga Xallinta Khilaafaadka Ee Uu Magacaabay Faroole

Boosaaso, Mareeg.com: ilaa 4 ka mid ah musharraxiinta u taagan xilka madaxtinimo ee maamulka Puntland ayaa ka horjeestay guddiga xalinta khilaafaadka iyo ansixinta golaha wakiilada oo madaxweyne Faraoole maanta magacaabay.

Musharaxiinta ayaa ka soo horjeestay guddigaasi oo ku sugan magaalada Boosaaso ayaa kala ahaa: Cabdullaahi Saciid Samatar, Shire Xaaji Faarx, Cabdullaahi Sheekh Axmad iyo Cabaas Axmad Cabaas (Gacma-Gaab).

Musharax Cabdullaahi Saciid Samatar oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in horey looga heshiiyay in Musharaxiinta ay ka tashadaan magacaabista guddiga khilaafaadka iyo ansixinta baarlamaanka, iyagoo markaasi wadatashadayna ay magacaabaan guddiga lagu kalsoon yahay oo dadka matali kara.

“Cabdiraxmaan waa naqaana, ka sugi mayno waxaas wax ka fiican in uu sameeyo, afar sano iyo sanad ayuu ku darsaday, dalka dagaal ayuu geli lahaa ilaah ayaa baajiyay iyo dadweynaha, hadana waxa uu wadaa anaa iri”, ayuu yiri Musharax Cabdullaahi Saciid Samatar.

Musharax Shire Xaaji Faarx ayaa isaguna sheegay in guudiga khilaafaadka ay dooran karaan guud ahaan musharaxiinta, balse musharax Faroole uusan xaq u lahayn in uu magacaabo kaligiis.

Musharax Cabdullaahi Sheekh Axmad ayaa isna ka hadlay goobta waxa uuna sheegay in aan laga yeeli doonin Faroole soo magacaabista guddiga xallinta khilaafaadka iyo ansixinta xildhibaanada.

Musharax Cabaas Axmad Cabaas (Gacma-Gaab) ayaa ku tilmaamay guddiga Faroole magacaabay mid khilaaf abuur ah ee aan xallineyn wax khilaaf ah.

“Guddiga uu maanta magacaabay Faroole ee uu ku sheegay guddiga xalinta khilaafaadka waa kii khilaaf abuuridda, dadka Puntland-na waa ay isaga filan yihiin” ayuu yiri Musharax Cabaas Gacma-gaab.

Madaxweynaha maamulka Puntland C/raxmaan Faroole ayaa magacaabay 8 xubnood oo noqonaya guddiga xallinta khilaafaadka iyo ansixinta ay beeluhu soo xulayaan, waxeyna kala yihiin:

1: Eng.Yuusuf Abshir Cadami Gudoomiye
2: Cismaan Guureeya Kaarshe Xubin
3: Egn.Maxamuud Axmed Xasan Xubin
4: Maxamed Cabdilaahi Faarax(Cillal) Xubin.
5: Caaqil Cabdiraxmaan Axmed Xaaji Diiriye Xubin.
6: Caaqil Abshir Cabdi-Raxmaan Caraale (Dhegacas) Xubin.
7: Caaqil Siciid Xasan Xaaji Yuusuf (Warabacade) Xubin
8: Maxamed Cabdiqaadir Cismaan Xoghayn.

Mareeg.com

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!