Musharraxii 4aad oo isu soo taagay xilka madaxweynaha maamulka Mudug & Galgaduud * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Musharraxii 4aad oo isu soo taagay xilka madaxweynaha maamulka Mudug & Galgaduud

Mareeg.com: Musharraxii 4-aad ayaa isu soo taagay xilka madaweynaha maamulka Gobollada Dhexe ee la doonayo in laga dhiso Mudug iyo Galgaduud.

Wasiirka Amniga ee maamulka Ximan iyo Xeeb, Maxamed Daahir Muxumad oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud ayaa sheegay inuu yahay musharax u taagan qabashada  xilka madaxtinimada ee maamulka loo yegleelayo gobolada Mudug iyo Galgaduud.

Waxaa uu sheegay in uu go’aankan qaatay  ka dib latashiyo uu la sameeyay qaybaha kala duwan ee bulshada, oo ku nool maamulka Ximan iyo Xeeb isla markaana ku dhiiri geliyay arintaasi isagoo sheegay in uu taageero balaaran ka haysto dadka ku dhaqan deegaanada uu maamulkaasi quseeyo.

Musharaxan ayaa  bulshada goboladaas ugu baaqay inay u wada istaagaan sidii ay ugu  midoobi laahaayeen hawsha hortaal oo ah hirgalinta maamul ka hana qaada Mudug iyo Galgaduud.

Horay waxaa xilkaas isu soo taagay madaweynaha maamulka Galmudug Cabdi Xasan Cawllinaale Qeybdiid, Agaasimihii hore ee Sirdoonka Soomaaliya, Axmed Macalin Fiqi iyo C/raxmaan Diinaare oo horay u ahaa danjiraha Soomaaliya u fadhiyey Koonfurta Sudan.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!