Musharraxa Ka Carooday Shuruudaha Tartanka Madaxweynaha Puntland Oo Qaadacay Doorashada * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Musharraxa Ka Carooday Shuruudaha Tartanka Madaxweynaha Puntland Oo Qaadacay Doorashada

Garowe, Mareeg.com: Murashax Yaasiin Faarax Cartan oo kamid ahaa murashaxiinta u taagan xilka madaxweynaha maamulka Puntland ayaa ku dhawaaqay in uu qaadacay doorashada madaxweynaha oo shuruudaha ka qeybgalka shalay la shaaciyey.

Yaasiin Farax Cartan oo guriga uu magaalada Garoowe ka deggen yahay warbaahinta kula hadlay ayaa sheegay inuu go’aansaday inuusan ka qayb geli doonin tartanka doorashada madaxweynaha ee 8-da janaayo 2014.

Wuxuu shegay Musharrax Yaasiin in guddiga doorashadu ay soo bandhigeen shuruudo aan munaasib ahayn oo aan la aqbli karin, taasoo keentay inuu ka baxo tartanka doorashada.

“Shuruudaha lasoo bandhigay waa kuwo aan la qaadan Karin, waxaana shuruudahaas keenay baarlamaankii shalay la doortay, sidaas daraadeed anigoo ah Dr. Yaasiin Faarax Cartan waxaan qaadacay doorashada sanadkan ka dhacaysa Puntland” ayuu yiri Yaasiin Faarax Cartan.

Murashax Cartan oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay, in baarlamaanka aan lagu soo xulin qaab sharci ah, arrintaas oo sida uu hadalka u dhigay saameyn xun reebi karta.

Yaasiin Faarax Cartan oo horay wasiir uga soo noqday Puntland, wuxuu 28, 8, 2013 ku dhawaaqay inuu yahay murashax u taagan xilka madaxweynaha ee maamulka Puntland.

Horay waxaa tartanka madaxweynaha Puntland uga tanaasulay labo musharrax oo kala Xaaji Maxamed Yaasiin iyo Maxamed Cali Yuusuf Gaagaab.

Mareeg.com

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Mareeg.com somalia, World News and Opinion.