Musharrax Siciid Deni oo lumiyay xildhibaanno laga soo doorto Puntland iyo Jubaland

Read Time:48 Second

Qaar kamid ah xildhibaannada Baarlamanka ee laga soo doorto Puntland ayaa si hoose ugu biiray ololaha musharrax Shariif Shiikh Axmed oo u taagan xilka madaxweynaha Soomaaliya.

Xubnahan ayaa saacadihii la soo dhaafay olole qarsoon ka dhex waday xildhibaannada laba aqal ee laga soo doorto Puntland si ay ugu qanciyaan ku biirista dhinaca musharrax Shariif Sheikh Axmed.

Xildhibaannada laga soo doorto Jubaland qaarkood ayaa sidoo kale la sheegayaa in ay ku biireen ololaha doorashada Xasan Shiikh Maxamuud oo kamid ah musharrixiinta u tartamaya xilka madaxweynaha dalka.

Waxaa xusid mudan musharrax Siciid Deni uu inta badan ku tashanayay xildhibaannada laga soo doorto Puntland iyo Jubaland.

Guuldarada soo wajahday Saciid Deni ayaa loo sababeynayaa qorshe siyaasadeed xumo iyo inuu ku guuldareestay in Puntland oo horumariyo iyadoo sidoo kale lagu eedeeyo in uusan dulqaad u laheyn in dad uu hogaamiyo.

Waxaa dhanka kale Deni dhabar jabin kuwada qaar kamid ah musharaxiinta mucaaradka oo doonaya iney kala wareegaan xildhibaanada uu soo saartay

Muqdisho-Somalia

Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %