Musharrax Labaad Oo Ka Tanaasulay Tartanka Madaxweynaha Maamulka Puntland

Garowe, Mareeg.com: Xaaji Maxamed Yaasiin Ismaaciil oo kamid ah ahaa Musharixiinta xilka Madaxweynaha maamulka ayaa ku dhawaaqy inuu ka tanaasulay tartanka oo dhacay 8-da bishaan Janaayo 2014.

Xaaji Maxamed Yaasiin oo shir saxaafadeed ku qabtey magaalada Nairobi ee caasimadda dlka Kenya ayaa sheegay inuu u tanaasulay sababo bdan oo jira iyo in la suurageliyo in meesha laga saaro madaxweynaha xilligaan C/raxmaan Faroole.

Wuxuu sheegay Xaaji Maxamed Yaasin in qaabka doorashadu u socota aysan qurux badneyn, loona baahan yahay in isbadel xagga maamulka ah uu dhaco, islamarkaan aysan habooneyn in tiro ka badan 20 tartan u galaan kursiga madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa.

Xaaji Maxamed Yaasiin ayaa sheegey in uu ka qayb-qaadan doono doorasho ku dhisan, qof iyo hal cod, ee aanu diyaar u ahayn mid uu lacag ku bixiyo si uu cod u helo, taas oo ah mid uu allaah uga dheeraanayo.

Xaaji Maxamed Yaasiin ayaa sheegey in laba musharax oo kala ah Maxamed Cabdinuur Xirsi iyo Cali Xaaji Warsame ay yihiin kuwo lagu aamin karo masiirka Puntland.

Horay waxaa tartanka madaxweynaha uga tanaasulay Maxamed Cali Yuusuf Gaagaab oo hadda ka hor noqday madaxweyne ku xigeenka Puntland.

Mareeg.com

About A warsame 9751 Articles
Published by A Warsame .He can be reached by news@mareeg.com or Mobile :+447737886245