Mareeg Media
Somalia

Musharixiin dalbadey in dib loo dhigo doorashada Galmudug

Afarta Musharax ee horey u diidey inay iska diiwaangeliyaan Guddiga doorashada Madaxweynaha iyo Madaxweyne kuxigeenka Galmudug ayaa waxaa ay soo saareen baaq la xiriira doorashada Galmudug.

Afarta Musharax oo kala ah C/raxman Odawaa,Kamaal Guutaale,Cabdi Dheere iyo Cabdullaahi Wehliye ayaa qoraal ay soo saareen waxaa ay ku dalbadeen in muddo 15 Cisho ah la joojiyo howlaha doorashooyinka ee ka socda Magaalooyinka Dhuusamareeb iyo Gaalkacyo ee Gobolada Mudug iyo  Galgaduud.

Qoraalkooda waxaa ay ku sheegeen in saamileyda Siyaasadeed ee Galmudug ay shir deg deg ah isugu yimaadaan si loo dhameeyo khilaafka Siyaasadeed ee ka jira doorashada Galmudug si loo dhiso Galmudug mideysan.

Waxaa ay ku baadeen in la tixgeliyo codsiyada saamileyda Siyaasadeed ee Galmudug iyo Beesha Caalamka,iyaga oo baaq u direy Madaxda Dowladda Soomaaliya.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!