Musharaxiinta oo shaaciyay in Madaxweyne aysan u aqoonsaneyn Farmaajo * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Musharaxiinta oo shaaciyay in Madaxweyne aysan u aqoonsaneyn Farmaajo

Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha Soomaaliya ayaa saqdii dhexe ee xalay shaaciyay in wixii ka dambeeya 8 bishaan February 2021 aysan Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo u aqoonsaneyn Madaxweynaha dowladda Federaalka, kadib markii xalay uu ku ekaa muddo xileedkiisa dastuuriga ahaa ee afarta sanno.

War-saxaafadeed kasoo baxay Midowga Musharaxiinta ayaa waxaa lagu sheegay in Madaxweyne Farmaajo uu ku fashilmay inuu dalka ka hirgeliyo doorasho qof iyo Cod ah oo waqtigeeda ku dhacda, sidoo kalena uu ku fashilmay hirgelinta heshiiskii laga gaaray doorashada dalka 17-kii September 2020.

“Laga bilaabo 8 February 2021 Golaha Midowga Musharaxiinta uma aqoonsana Maxamed C/llaahi Farmaajo inuu yahay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka, Goluhu wuxuu ka soo horjeedaa muddo kororsi” ayaa lagu yiri Qoraalka.

Sidoo kale Golaha ayaa ku baaqay in la dhiso Golle Qaran oo KMG ah oo xubno ay ka yihiin Guddoomiyeyaasha labada Aqal ee dalka, Madaxweyneyaasha dowlad Goboleedyada, Wakliilo ka socda Musharaxiinta iyo Bulshada Rayidka Soomaaliyeed.

Midowga Musharaxiinta ayaa ugu baaqay Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhamaaday inuu dastuurka iyo sharciga dalka u hoggaansamo, si uusan u lumin xuquuqda uu leeyahay Madaxweyne hore, taasoo shardiga ku xiran uu yahay inuu xilka si nabad ah ku wareejiyo.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Mareeg.com somalia, World News and Opinion.